iPad-yada iyo Chromebook-yada

Worcester Public Schools waxey aaminsan tahay in helitaanka khibradaha waxbarshada dhijitaalka ah ay fure u tahay sinnaanta waxbarashada. Sababtaan awgeed, WPS waxay muhiimada saaraysaa siinta aalad arday kasta ayadoo aan wax qarash ah laga qaadayn qoysaska. WPS ayaa doonaysa inay abuurto bulsho ka kooban arday la hormariyay kuwaasoo adeegsada tignooloojiyada si loo yareeyo caqabadaha, ay u helaan xogta, ayna uga qaybgalaan goobaha waxbarashada dhijitaalka ah ee hadda iyo kuwa mustaqbalka.

iPads

Ardayda dhigata fasalada Pre-K iyo Birimada ayaa isticmaala iPad-yada. iPad waa taableed ku shaqeeya interneedka si uu u qabto shaqooyin badan wuxuuna si ootomaatig ah u kaydiyaa shaqada ardayda ee ku jirta ablikeeshinada oo si amaan ah loogu keydiyo interneedka. Marka uu arday galo aalada iPad asagoo adeegsanaaya ciwaankiisa Google ee WPS, way u fududahay inuu helo shaqadiisii hore, uu galo Seesaw si uu u helo layliyada, Ula kulmo macalimiinta, uuna u sameeyo layliyada asagoo adeegsanaaya ablikeeshino iyo webseedyo kala duwan.

Chromebooks

Ardayda Fasalada 1-12 waxay adeegsadaan Chromebook-yo. Chromebook waa laabtoob ku shaqeeya interneedka si uu u qabto shaqooyin badan wuxuuna si ootomaatig ah u kaydiyaa shaqada ardayda ee ku jirta ablikeeshinada oo si amaan ah loogu keydiyo interneedka. Marka arday uu galo Chromebook asagoo adeegsanaaya ciwaanka google ka ee WPS, way fududahay inuu galo uuna ka shaqeeyo layliyada asagoo adeegsanaaya ablikeeshinada iyo webseedyada kaladuwan.

Qalabka gelitaanka ayaa ku dara qayb aaladaha iyo ablikeeshinada si dhammaan ardaydu u geli karaan agabka waxbarashada. Hoos aad si aad u aragto sadexda nooc ee qalabka gelitaanka aalad kasta. 

Haddii aad doonayso inaad la hadasho shaqaalaha Worcester Public Schools adoo adeegsanaaya luuqad aan Ingiriis ahayn, Degmada ayaa leh turjumaannada khadka taleefanka oo ku hadla 240+ luuqadood kuwaas oo la heli karo xili kasta. Markaad soo wacdo dugsiga, u sheeg qofka ka jawaabaaya taleefankaaga inaad u baahan tahay turjumaan. Wax yar ayuu kuu sheegayaa inaad khadka ku jirto si uu kuugusoo qabto tujumaan laynka ku jira oo ku caawinaaya. Haddii marna aad u baahato inaad la hadasho macalin gaar ah ama shaqaale kale, waxaad sidoo kale u diri kartaa iimeel adoo u sheegaaya inay kusoo wacaan ayadoo turjumaan khadka ugu jiro, ama xataa waxaad ka codsan kartaa inay kuu mudeeyaan waqti aad shir muuqaal ah la gasho macalinka iyo turjubaan.

Ablikeeshinada iyo Barnaamijyada Waxbarashada

Clever

Seesaw

Google Classroom

Ardayda ayaa geli kara ablikeeshinada la siiyay ayagoo ka galaaya Clever. Fadlan guji ablikeeshin kasta oo hoose si aad xog dheeri ah u hesho. 

ST Math Logo

Lexia Logo

Code Monkey Logo

Typetastic Logo

Learning.com Logo

Aleks Logo

Generation Genius Logo

Ed Cite Logo

Soundtrap Logo

Gizmos Logo

Delta Math

Savvas Logo

Learning Ally Logo

Gale Logo

Canva Logo

CODE Logo

Muwaadinimada Dhijitaalka ah

Waa maxay Muwaadinimada Dhijitaalka ah?

Muwaadinimada Dhijitaalka ah waa kula falgelida dareen ahaan dadka kale oonlaynka, qiimaynta saxnaanshaha xogta oonlaynka ah, u adeegsiga tignooloojiyada inay noqoto xoog wanaagsan, isku dheelitirka waqtiga oonlaynka, barashada sida loo dhawro badqabka oonlaynka, iyo si sax ah u daryeelida aaladaha.

Dhinacyada Muwaadinimada Dhijitaalka ah

Barta Qoyska iyo Ardayda ee WooEdu

Kusoo Dhawoow barta Oonlaynka ee Xarunta Ardayda iyo Xarunta Waalidiinta ee WooEdu!

WooEdu waxaa abuurtay Infinite Campus, taasoo aad xogta dugsiga ka helayso aaladaada adoo isla markiiba heli kara iclaannada, layliyada, xaadirista, buundooyinka, jadwallada, iyo xog kale!

Si aad u biloowdo, guji tusmooyinka hoose kadibna soo degso Ablikeeshinka Campus Student and Campus Parent oo ku jira Apple Store iyo Google Play Store.

Tusmooyinka Barta Waalidka

Soo dejinta Ablikeeshinka

Ardayda Xarunta

Xarunta Waalidka

Ku helitaanka Interneetka Guriga

Worcester Public Schools waxey awooda iskugu gaynaysaa inay ardayda siiso aaladaha waxbarashada ee ay ugu baahan yihiin ka guul gaarista waxbarashada, labadaba dugsiga iyo guriga. Waxaan siinaa aaladaha hotspot ardayda aan interneed guriga ku haysan. Haddii aad xiiseynayso WiFi xawaare badan, waxaan iskaashi la samaynay Affordable Connectivity Program (ACP) si uu uga caawiyo Qoysaska WPS codsashada interneed qiimo jaban.

Tusmooyinka Hotspot ka Degmada